Shiikh Dirir: "Colaadda intaas halagu ekeeyo".

Image

HAYGEYSA, Soomaaliya - Caalimka Soomaaliyeed, Shiikh Maxamed Cumar Dirir ayaa sheegay in isaga iyo Shiikh Mustafe ay bilawgii dagaalka kala taliyeen madaxda Somaliland.

Culimadaan oo dhawaanahan siwayn dad badani ugu dhaliileen baraha bulshada ayaa la is waydiinayay sababta ay uga aamusan yihiin colaada uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ka abaabulayo Oog.

Shiikh Dirir ayaa yiri" aniga iyo Sh Mustafe bilawgii colaada waan la talinay hogaanka si guudna waan u sheegnay in dhiigga oo la daadiyaa xaqdarro ay xaaraam tahay".

Baraha Bulshada ayaa dhawaanahan si wayn uga falceliyay Aamuska culimadii Hargeysa ee caanka ku ahaa in ay Diinta islaamka dadka u sheegaan kana sheekeeyaan taariikhihii lasoo maray.

Hadalka Shiikh Dirir ayaa imaanaya iyada oo maanta maamulka Somaliland ku dhawaaqay Duulaan horleh oo ay ku qaadayaan Laascaanood iyo Buuhoodle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM