Shiinaha oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Isniin ah Caasimadda Muqdisho uga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Fei Shengchao.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa ku nuux-nuux saday in Wasaaraddiisu ay u fududeyn doonto wixii howl ah Safiirka cusub ee Shiinaha si uu u guto waajibaadkiisa shaqo si xoojinaysa xiriirka adag ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.

Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in xiriirkan la gaarsiiyo heer cusub oo wax wadaagid iyo iskaashiba leh oo ku suntan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, beeraha, waxbarashada, caafimaadka iyo tamarta.

Dhankiisa, Safiirka Shiinaha ayaa caddeeyay sida uu dalkiisu u doonayo sare u qaadidda xiriirka qotoda dheer ee soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya iyadoo hore loo dhaqaajinayo iskaashi dhinacyo badan leh oo dan u ah labada dal,

Diblumaasiga ayaa muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in uu kor u qaadi doono deeqaha Shiinaha ee Soomaaliya si loo gaaro xasilooni iyo horumar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM