Shiinaha oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Isniin ah Caasimadda Muqdisho uga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Fei Shengchao.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa ku nuux-nuux saday in Wasaaraddiisu ay u fududeyn doonto wixii howl ah Safiirka cusub ee Shiinaha si uu u guto waajibaadkiisa shaqo si xoojinaysa xiriirka adag ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.

Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in xiriirkan la gaarsiiyo heer cusub oo wax wadaagid iyo iskaashiba leh oo ku suntan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, beeraha, waxbarashada, caafimaadka iyo tamarta.

Dhankiisa, Safiirka Shiinaha ayaa caddeeyay sida uu dalkiisu u doonayo sare u qaadidda xiriirka qotoda dheer ee soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya iyadoo hore loo dhaqaajinayo iskaashi dhinacyo badan leh oo dan u ah labada dal,

Diblumaasiga ayaa muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in uu kor u qaadi doono deeqaha Shiinaha ee Soomaaliya si loo gaaro xasilooni iyo horumar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM