Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Magalaada Muqdisho ayaa Garoonka Aadan Cabdulle waxaa ka dhacey shil diyaaradeed kasoo sababey khasaaro hantiyeed.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Diyaarad u rarnayd Midowga Yurub ay ku dhacday Diyaarad Rakaab ah oo fadhidey gudahaa Garoonka, taasi oo xilligaasi sugaysay inay qaado dad rakaab ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in shilka uu dhacay kadib markii Diyaarada Midowga Yurub ay markii soo caga-dhigatay isku dayaysay inay meel Parking ah gasho, waxayna qaybta Runwayga iskula dhaceen Diyaarad kale oo xilligaasi taagneyd.

Diyaarada fadhiday ayaa ka burburay mid kamid ah baalasheed waxaana leh Shirkad lagu magacaabo Galeyr oo sameysa safarada gudaha dalka, xilligaasina waxa ay u taagneyd duulimaad inay qaado.

Sawirro goobta laga soo qaadey ayaa muujinaya shidaal badan oo dhulka ku daatey iyo labada diyaaradood oo garbaha iskula jira kadib shilka kaasi oo saameyn ku yeeshay duulimaadka Garoonka.

Lama soo sheegin wax khasaaro nafeed ah marka laga soo tago burburka soo gaarey mid kamid ah diyaaradaha. Saraakiisha Garoonka wali kama aysan hadlin shilka, oo saameeyay duliimaadkii saaka ee Garoonka Adan Cabdulle.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM