Shil gaari oo khasaaro sababay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan Hal qof oo Shacab ah ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintay, labo kalena uu dhaawac kasoo gaarey shil Gaari oo ka dhacay wadada Maka Al-mukarama ee caasimada Soomaaliya.

Shilkaan khasaaraha nafeed geystay ayaa ka dambeeyay kadib markii Gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu jiiray dad wadada marayey, sida ay Garowe Online u sheegay goobjooge.

Saraakiisha ciidamadda illaalada wadooyinka ee dowladda, ayaa xaqiijiyay in ruuxa ku naf-waayey shilkaan uu ahaa Rag, halka labadda kalena ee dhaawaca ahaa ay iyaguna ahaayeen rag.

"Gaari ay saarnaayeen ciidamadda Milatariga Soomaaliya oo si xowli ah ku socda, ayaa wadada Maka Al-Mukarama ku dar-daray dad rayid ah. Hal qof wuu dhintay, laba kalena waa dhaawac," ayuu yiri Cali Nuur, oo ah goobjoogaha.

Ciidamada ilaalada wadooyinka oo goobta isla markiiba yimid waxay qaaday meydka iyagoo geeyay xarunta CID-da, halka labadda kale ee dhaawaca ah loola cararay Isbitaalada Muqdisho, si loo daaweeyo.

Inta badan Gaadiidka ciidamada Soomaaliya, marka ay ku lug-yeeshaan falal noocaan ah ayaa goobta uga dhaqaaqa dadka shacabka ah ee ay dhibaatada gaarsiiyaan.

Bishii hore ayay ahayd markii Shil baabuur oo ka dhashay gaari Xamuul ah oo rogmaday isla Wadada Maka Almukarama ay ku geeryoodeen labo qof, iyadoo dhaawacana uu intaas ka badan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM