Shir looga soo horjeedo hanaanka loo marayo dhameystirka dastuurka oo ka furmay Garoowe

Image
Siyaasiyiin iyo wakiilo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka JFS ayaa maalmihii la soo dhaafay soo gaaray Garowe.

Garowe, Soomaaliya - Shir looga hadlayo marxalada uu dalku marayo iyo khilaafka ka taagan arrimaha Dastuurka ayaa maanta ka furmay xarunta madaxtooyada ee magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Shirka ayaa waxa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxwaynayaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland.

Siyaasiyiin iyo wakiilo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka JFS ayaa maalmihii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Garowe, taasoo loo arkay inay tahay saansaan kutlad ka soo horjeeda wax ka bedelka dastuurka ee uu dardargelnayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan ayaa barbar socda kullaamo oo madaxweyne Xasan sheekh la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka, isaga oo ka codsatay inay Codka kolsoonida u qaadaan 4-ta Cutub oo ay Baarlamaanku ka doodeen.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in qaar ka mid ah wakiilada uu u ballan qaaday xilal wasiirnimo haddii ay kala shaqeyaan dardargelinta dhameystirka dastuurka, waxaana uu carabka ku adkeeyay in uu dhaqan gelin doono qodobadii uu ku galay ololaha doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM