Shir loogu qareemayo qoondada haweenka oo furmay

Image
Image
Image
Image
Kulankan waxaa ka qeybgalaya wakiilo ka socdey guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer gobol.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay shir looga hadlayo u qareemidda qoonddada Haweenka ee 30%, kaas oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda.

Shirka oo labo maalin socon doono ayaa waxaa lagu casuumay odayaasha dhaqanka ka soo jeeda Somaliland iyo beelaha Banaadiriga oo doorashada xildhibaanadooda ka dhici doonto caasimadda.

Sidoo kale, shirka waxaa ka qeybalay wakiilo ka kala socda guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo ururada haweenka.

Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim, oo furitaanka shirkan ka hadashay ayaa u mahadcelisay madaxda dowlad goboleedyada si ay u ilaaliyeen qoonddada haweenka ee aqalka sare.

Waxay intaas ku dartay in loo baahan yahay in doorashada golaha shacabka la xaqiijiyo kuraasta haweenka si lamid ah midda aqalka sare.

Wasaaradda Haweenka dowladda federaalka ayaa hormuud u ah ololaha balaaran ee loogu qareemayo xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30% ee doorashada baarlamaanka oo hadda socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM