Shir weyne Baydhabo ka furmaya

Image

Axad, Sept 14, 2014 (Garowe Online)-Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxaa maanta ka furmaya shirweyne ay isugu imaanayaan dadka dega gobollada koonfur galbeed Soomaaliya, waxaana shirkaas ka qayb galaya Gudoomiyaha Baarlammaanka iyo xildhibaano dhowr ah.

Xildhibaan Maxamed Xuseen (Afaraale) oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Garowe Online ayaa wuxuu sheegay shirkaasi uu yahay mid  loogu talagalay in laysugu keeno dhammaan beelaha dega gobollada la doonayo in maamulka loo sameeyo.

 

"shirkan waxaa loo qabtay in lagu heshiisiiyo oo laysugu keeno dadka doonaya inay Maamulka Koofur Galbeed ay sameestaan oo ay ka tashadaan aayahooda iyo wixii dan u ah" sidaas waxaa yiri Xildhibaan Afaraale.

Waxaa la filayaa in dhowaan ay Baydhabo gaaraan wafdi uu horkacayo Ra'iisul Wasaare Cabdiwlei Sheekh Axmed oo wasiirro iyo xildhibaano isugu jira.

Shirka dib u heshiisiinta shacabka gobollada koonfur galbeed Soomaaliya oo socon doona mudo 45 cisho ah oo ka bilaabmaysa maanta ayaa wejigiisa koowaad waxa uu ku saabsan yahay dib u heshiisiin guud iyo is cafin, wejiga labaad ee shirkana wuxuu noqonayaa in la mideeyo aragtiyaha kala duwan ee ku saabsan dhismaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, halka wejiga seddexaad ee ugu dambeeyana uu yahay in la gudagalo dhismaha maamulka KMGka koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM