Shirka

Image

10 January, 20.,l16(GO)-Shirkii madaxda Somalida maanta uga furmi lahaa magalada Kismayo xarunta Jubbaland ayaa dib u dhacay muddo halmaalin ahaa sida uu shaaciyay Afhayeenka maamulkaas Cabdinaasir Seeraar.

Kulanka ayaa dib u dhacay muddo hal maalin ah, waxaana maata Kismayo tagaya madaxda dowladda Federalka, maamullada dalka iyo wufuud caalami ah oo goob joog kanoqon doonta.

Seeraar oo lahadlay BBC-da ayaa meesha ka saaray mugdi ku jiray imaanshaha madaxda qaybtood, wuxuuna xusay in dhammaan madaxda maamul goboleedyadu imaan doonaan, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada kasoo bixi doonta xilli uu sheegay in loo kulmay siyaabo kala duwan islamarkaana jiraan wadahadallo gooni gooni ah oo dhexmaray hogaamiyaasha maamullada dalka iyo madaxda Federalka.

Balse sida muuqata waxaa jira kala aragti duwanaan u dhaxaysa hogaamiyaasha Kismayo ku shiri doona, taasoo kusalaysan habraaca doorashada.

Dowladda Federalka Somalia ayaa suxul duub ugu jirta ku noqoshada nidaamka waxa ku qaybsiga beelaha iyadoo ku taageersanyihiin Galmudug iyo Koonfur Galbeed Somalia, waxaase kasoo horjeeda Jubbaland iyo Puntland.

Ammaanka magalada Kismayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana socday dadaal Jubbaland ugu jirto soo dhaweynta iyo marti galinta shirka.

GARWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM