Shirka Brussels oo furmaya iyo wafuud ku qulquleysa Belgium

Image

BRUSSELS - Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] ayaa gaarey magaaladda Brussels, ee caasimadda dalka Belgium, halkaasi oo berri uu ka furmayo shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayo.

Hogaamiye-yaasha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle iyo HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiiradda Dasuurka, Maaliyadda iyo Gaashaandhiga ayaa qeyb ka ah wafdiga Farmaajo ee gaarey Brussels.

Wafdigan ka socda dowaldda Federaalka iyo maamullada ayaa ka qeybgeli doona shirka arrimaha Soomaaliya ee Belgium-ka, kaasoo ay kasoo qeybgeli doonaan wafuud ka socda Beesha Caalamka, iyadoo uu socon doono mudo labo maalmood ah.

Shirkaan oo loogu magacdaray "Somalia Partnership Forum" ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha; amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, doorashadda 2020 iyo qorshaha kala guurka ee dalka uga baxayaan ciidamada AMISOM.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo horkacayo ayaa soo dhawayn diiran loogu sameeyay magaaladda Brussels markii ay garoonka ka dageen, iyagoo kadib loo gelbiyay Hoteelo loo qorsheeyay inay degaan.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay kasoo duulay Garoowe, isagoo kusii jeeda Brussels, isagoo qeyb ka ah madaxda maamul goboleedyada ee shirka lagu casuumey.

Shirkan ayaa lagu wadaa in Deeqbixiyaasha iyo Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ugu yaboohaan dowladda Federaalka dhaqaale badan oo ay ugu tala-gaaleen amniga Soomaaliya, oo hadda ku tiirsan ciidamada midowga Africa ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM