Shirka Jabuuti dib ma u yagleeli karaa kalsoonida DF iyo Somaliland?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib afar maalmood oo doodo adag leys weedaarsaday, shirkii Jabuuti ee lagu wadahadal-siinayey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa lasoo gabagabeeyay.

Shan qodob oo dhinacyaddu kala saxiixdeen ayaana kasoo baxay aakhiritaankii, kuwaas oo nuxurkoodu yahay sidii waditaanka wadahadalada iyo kulamo 15 maalmood kadib laga yeelanayo qodobo leysku khilaafay.

Qodobada leysku mari-waayey waxaa kamid ah; isu socodka siyaasiyiinta, maamulka hawada, deeqa caalamiga ah iyo iskaashiga ammaanka.

Guddiyo farsamo ayaa loo saarey arrimihii leysku mari-waayey, kuwaas oo horaanta bisha dambe ku kulmi doona isla Jamhuuriyadda Jabuuti.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo xaqiijiyey in mudadii shirku socday ay dhowr jeer kala kaceen balse madaxda Jabuuti isku keeneyn, ayaa shirka ku sifeeyay "talaabo horumar ah".

Faratoon oo hoosta ka xariiqay in "shirku ahaa mid aad loogu doodey" qadiyaddo badan ayaa carabka ku adkeeyay in wejiga koowaad ee lasoo gabagaboobay diiradda lagu saarey sidii kalsoonida dib loou yagleeli lahaa.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, kalsoonida ayaa "dhimatay" markii madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay fulin waayeen qaar kamid ah qodobadii lagu heshiiyey shirarkii horey u kala saxiixdeen darafyadda.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu rajo fiican ka muujiyey in shirka Jabuuti uu noqdo mid dib u soo cusbooneysiiya kalsoonida dhinacyada "si xal loogu helo arrimaha kale ee masiiriga ah".

"Alxamdu lilaalhi, waxaan rajeyneynaa in shirka kan uu Ilaahey ka dhigo midkii wad-cigaas uu isku bedeli lahaa, aad iyo baad baan u filayaa in uu ahaa shir waxtar leh," ayuu dhamaadka shirka ka yiri.

Wuxuu xusay: "Gabagabada, waxaan filayaa in ay kasoo bixi doonan shirkani waxa uu ku dambeyn doono xiriirka [maamulka] Somaliand iyo [dowladda federaalka ah ee] Soomaaliya".

Shirka Jabuuti lagu soo afmeeray oo ay soo qaban-qaabisay Itoobiya, korjoogtana uu ka ahaa Mareykanka kana qeybgaleen daneeyayaal badan ayaa ah kii saddexaad oo rasmi ah ee dhexmara dowlada iyo Somaliland.

MUUQAALKA FARATOON

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM