Shirka Kismayo oo furmay

Image

14 January, 2016(GO)-Waxaa maanta magalada Kismayo xarunta Jubbada hoose kafurmay shirka looga hadlayo xaaladda Somalia gaar ahaan doorashada 2016 iyo qaabka ugu haboon ee lagu wajihi doono.

Shirka waxaa furay Madaxweynaha Somalia, waxaana ka qayb galay dhammaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka iyadoo ay joogaan xubno kasocda beesha caalamka.

Kulanka maanta ayaa lagu sifeeyay furitaan kaliya, waxaana lafilayaa inuu qaato ilaa shan bari, waxaana siyaasiyiin Radio Garowe la xiriirtay oo arrintaasi wax kaweydiisay rajo kamuujiyeen inay kasoo bixi doonaan waxyaabo lagu wada qanacsanyhay.

Balse, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo shalay 13 January, hadlay ayaa tilmaamay in madashan noqon doonto tii ugu dambaysay ee lagu go'aamiyo habraaca doorashada 2016.

Faahfaahinta waxyaabaha kasoo baxay kulanka maanta dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM