Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Image
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo bandhigayey sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha jira ee ay kamid tahay deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista ururka dhaqalaha Bariga Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas awgeedna ay Xukuumadda Dan Qaran dedaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashiyada gudaha iyo dibedda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dalka, isaga oo xusay in fursadaha jira ay sii dhiirigelinayaan amniga oo soo hagaagaya iyo shuruucdii maalgashiga hagaysay oo la dhammeystiray, Tallaabooyinkaas oo damaanad siinaya maalgashadeyaasha caalamiga ah.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxaa ka soo qeyb galeen ganacsato ka socotay waddamada Bariga Afrika, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha waaweyn ee dhinaca maalgashiga ah ee ka jira Soomaaliya, kuwaas oo u baahan in lagu sameeyo maalgelin, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wasiirada oo xilkii ka qaaday Mustaf Dhuxulow, magacaabayna agaasime cusub

Idow ayaa ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee sida weyn ugu lugta lahaa geedi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:50PM

Jarmalka: Dagaalka Iran wuxuu reebi doonaa burbur dhaqaale oo raad dheer

Waxaan dhimaynaa canshuurta tamarta ee naaftada iyo batroolka qiyaastii 17 senti oo Yuuro halkii litir muddo laba bilood ah.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:40PM