​Shirka madasha wadatashiga oo dib u dhacay

Image

Waxaa dib u dhac labo maalin ah ku yimi shirka madasha watashiga Qaran ee la qorshaynayay inuu qabsoomo barri 20 Jun, 2016, kaasi oo ka dhici lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Dib u dhaca shirkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayso arrimo farsamo islamarkaana la isu imaan doono maalinta Arbacada ee 22 Jun, sida uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo madaxda uga sii horeeyay xarunta gobolka Baay.

Wuxuu ku macneeyay dib u dhacan mid ku yimi qaab aan lagu sii talo galin, isagoo xusay inay la xiriirto arrimo farsamo oo aan sidaas u waaweyneeyn.

Baaqashadan ayaa timi xilli wali aysan jirin cid katirsan madaxda Soomaalida marka laga reebo Jawaari oo tagay magaalada Baydhabo, waxaana shirkan la sheegay in lagu dhammaystirayo arrimaha wali ka harsan madasha looga hadlayay doorashada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar caafimaad Jarmalka ugu maqnaa ayaa dib u soo laabtay, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda madaxdu tagaan magaalada Baydhabo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM