Shirka madaxda Somalida Kismayo oo barri furmaya

Image

13 January, 2016(GO)-Waxaa madaxda ku sugan magalada Kismayo xaqiijiyeen in maalinta barri 14 January uu furmi doono shirka looga hadlay habraaca doorashada 2016 kadib markii uu dib u dhacay dhawr bari.

Shirkan oo looga dhawaaqay madashada wadatashiga madaxda Somalida ee sannadkii hore lagu qabtay Muqdishu, ayaa la qorsheeyay inuu furmo 10 bishan, balse arrimo farsamo darteed u baaqday.

Dhammaan madaxda Somalida ayaa kusugan Kismayo, waxaana socda shirar caadi ah oo u dhaxeeya madaxda Somalida iyo xubnaha kasocda beesha caalamka ee tagay xarunta KMG ah ee Jubbaland, kuwaasi oo looga hadlay arrimo la xiriira xaaladda Somalia.

Kulankan ayaa lagu go'aamin doonaa habraaca doorashada 2016, waxaana jira kala aragti duwanaan ku sallaysan habka lagu soo xuli doono Xildhibaanada imaan doona sannadka, waxaana dowladda Somalia danaynaysaa nidaamka qabaliga ah ee 4.5, halka maamullada Jubbaland iyo Puntland habka deegaanka u sacab-tumayaan.

Lama saadaalin karo natiijada shirkaasi, balse dhawaan waxaa soo baxay qorshe isku dhaf ah oo beesha caalamku soo jeedisay kaaso ah 1/3 oo macnaheedu tahay in 92-dii degmo ee xilligii Somalia jiray laga soo xulo min hal Xildhibaan, halka inta kale lagu sallaynayo nidaamka wax ku qaybsiga beelaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM