Shirka madaxda Somalida Kismayo oo weli furmin

Image

11 January, 2016(GO)-Wararka aan ka helayno magalada Kismayo xarunta Jubbaland ayaa sheegaya inuusan weli furmin shirka Madaxda Somalida ee looga hadlayo doorashada 2016.

Shirka ayaa laga cabsi qabaa gabi ahaanba inuu baaqdo maanta sababo la xiriira Mas'uliyiinta ugu sarraysa Federalka (Xasan Sheekh iyo Prof. Jawaari) oo kamaqan Kismayo, waxaana la filayaa inay yimaadan galinka dambe maanta.

Warar aan xoog badnayn xaqiiqdooda ayaa tibaaxaya in shirku furmi doono waqtiga mas'uuliyiintaasi yimaadaan.

Dhammaan mas'uuliyiinta maamul goboleedyada ayaa kusugan xarunta KMG Jubbaland, waxaana jiray shirar gooni gooni ah oo ay yeelayeen ilaa xalay.

Arrimaha ugu weyn ay kawadahadleen ayaa wararka aan helayno tilmaamayaan qaabka loo wajahayo shirka Kismayo iyo nidaamka ugu haboon ee lagu salaynkaro doorashada dhici doonta sannadkan.

Kulanka madaxda Somalida ee aan wali qabsoomin ayaa loo ballansanaa 10 bishan, balse waxaa loo dhib dhigay 11 January ilaa haddana ma qabsoomin, lamana garan karo sababta keentay dib udhaca safarka Xasan Sheekh iyo Gudoomiyaha Barlamanka Somalia.

Horay dadka odorosa siyaasadda Somalia ayaa walaac kamuujinayay qabsoomidda shirkan sababo la xiriira khilaaf dhexyaalla maamullada dalka qaybtood, balse waxaa muuqata inay caqabaddu kajirto dhinaca Federalka waloow Ra'isal wasaare Sharmake kusugan xarunta gobolka Jubbada Hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM