Shirka madaxda Somalida Kismayo oo weli furmin

Image

11 January, 2016(GO)-Wararka aan ka helayno magalada Kismayo xarunta Jubbaland ayaa sheegaya inuusan weli furmin shirka Madaxda Somalida ee looga hadlayo doorashada 2016.

Shirka ayaa laga cabsi qabaa gabi ahaanba inuu baaqdo maanta sababo la xiriira Mas'uliyiinta ugu sarraysa Federalka (Xasan Sheekh iyo Prof. Jawaari) oo kamaqan Kismayo, waxaana la filayaa inay yimaadan galinka dambe maanta.

Warar aan xoog badnayn xaqiiqdooda ayaa tibaaxaya in shirku furmi doono waqtiga mas'uuliyiintaasi yimaadaan.

Dhammaan mas'uuliyiinta maamul goboleedyada ayaa kusugan xarunta KMG Jubbaland, waxaana jiray shirar gooni gooni ah oo ay yeelayeen ilaa xalay.

Arrimaha ugu weyn ay kawadahadleen ayaa wararka aan helayno tilmaamayaan qaabka loo wajahayo shirka Kismayo iyo nidaamka ugu haboon ee lagu salaynkaro doorashada dhici doonta sannadkan.

Kulanka madaxda Somalida ee aan wali qabsoomin ayaa loo ballansanaa 10 bishan, balse waxaa loo dhib dhigay 11 January ilaa haddana ma qabsoomin, lamana garan karo sababta keentay dib udhaca safarka Xasan Sheekh iyo Gudoomiyaha Barlamanka Somalia.

Horay dadka odorosa siyaasadda Somalia ayaa walaac kamuujinayay qabsoomidda shirkan sababo la xiriira khilaaf dhexyaalla maamullada dalka qaybtood, balse waxaa muuqata inay caqabaddu kajirto dhinaca Federalka waloow Ra'isal wasaare Sharmake kusugan xarunta gobolka Jubbada Hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM