Shirkad Shidaal oo ka baxdey maamulka Somaliland

Image

Shirkad shidaalka baarta oo laga leeyahay dalka Norway ayaa ka baxdey galabta 12 August,2014 degaano ay ka taliso Somaliland kuwaasoo kala ah; Xudun, Dararweyn iyo Ceel Afweyn ee gobolka Sool iyo Sanaag kadib markii maleeshiyaad hubeysan weerareen.

Ma jirto khasaare soo gaarey shaqaalaha ajaanibta ah ee ka shaqeynayey halkaas balse wararka ayaa xusaya iney halkaas isaga yaaceen kadib markii la rasaaseeyey.

Shirkada shidaalka DNO ayaa amar ku siisey shaqaalaheeda iney ka baxaan halkaas iyagoo caawa 13 August,2013 ku hoydey degaanka Caynaba.

Shaqaalaha Shirkada iyo madax ka tirsan dowladda Somaliland ayaa dhibaato xoogan kala kulmey maalmihii la soo dhaafey degaamadaas ka tirsan Sool iyo Sanaag kadib markii dadka halkaas dagan ka horyimaadeen howlaha baarista halkaas laga wadey.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dowladda waxba kala socodsiin howlaha shidaal baarista oo shirkada DNO Norway bilowdey maalmihii ugu dambeeyey.

Xukuumada Somaliland ayaan wax qorshe ah ka laheyn qorshaha baarista shidaalka madaama degaanadaas la isku haysto.

Beesha caalamka ayaa horey uga digtey shidaalka laga baarayo Somalia kaasoo keeni kara iney dib u bilowdaan dagaaladaii qabiilka kuwaasoo labaatankii sano ee lasoo dhaafey aafeeyey bulshadaan ku nool geeska Afrika.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo ku eedeeyay Sheekh Shariif iyo Khayre inay abaabuleen afgambi ka dhan ah Xasan Sheekh

Fiqi ayaa sidoo kale ku andacooday in mucaaradku ay abaabuleen maleeshiyaad si weyn u hubeysan iyagoo ku gambanaya banaanbax nabadeed.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 07:24AM

Barakac Ka Billowday Qaar Ka Mid Ah Xaafadaha Muqdisho Xilli Xiisadda Sii Kordhayso

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ama hoggaanka mucaaradka oo ku saabsan barakaca la soo sheegayo.

  • Soomaliya

    03-06-2026

  • 09:27AM