Shirkad Shidaal oo ka baxdey maamulka Somaliland

Image

Shirkad shidaalka baarta oo laga leeyahay dalka Norway ayaa ka baxdey galabta 12 August,2014 degaano ay ka taliso Somaliland kuwaasoo kala ah; Xudun, Dararweyn iyo Ceel Afweyn ee gobolka Sool iyo Sanaag kadib markii maleeshiyaad hubeysan weerareen.

Ma jirto khasaare soo gaarey shaqaalaha ajaanibta ah ee ka shaqeynayey halkaas balse wararka ayaa xusaya iney halkaas isaga yaaceen kadib markii la rasaaseeyey.

Shirkada shidaalka DNO ayaa amar ku siisey shaqaalaheeda iney ka baxaan halkaas iyagoo caawa 13 August,2013 ku hoydey degaanka Caynaba.

Shaqaalaha Shirkada iyo madax ka tirsan dowladda Somaliland ayaa dhibaato xoogan kala kulmey maalmihii la soo dhaafey degaamadaas ka tirsan Sool iyo Sanaag kadib markii dadka halkaas dagan ka horyimaadeen howlaha baarista halkaas laga wadey.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dowladda waxba kala socodsiin howlaha shidaal baarista oo shirkada DNO Norway bilowdey maalmihii ugu dambeeyey.

Xukuumada Somaliland ayaan wax qorshe ah ka laheyn qorshaha baarista shidaalka madaama degaanadaas la isku haysto.

Beesha caalamka ayaa horey uga digtey shidaalka laga baarayo Somalia kaasoo keeni kara iney dib u bilowdaan dagaaladaii qabiilka kuwaasoo labaatankii sano ee lasoo dhaafey aafeeyey bulshadaan ku nool geeska Afrika.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xog cusub oo laga helay diyaaradii ku burburtay Garoonka Muqdisho

Diyaaradda ayaa waxaa maamula ciidanka Midowga Afrika ee qeybta ka ah ciidamada Uganda (UPDF).

  • Soomaliya

    02-07-2025

  • 01:10PM

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM