Shirkii Guddoonada Baarlamaanada ee Baydhabo dib u dhac ku yimid

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Waxaa dib u dhac uu ku yimid Shirka Baarlamaanada dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaasi oo lagu waday inuu maanta oo Isniin ah ka furmo magaalada Baydhabo, ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa garwadeen ka ah Shirkan baaqday, kaasi oo ujeedkiisu yahay in lagu dhiso Madal ay ku mideysan yihiin Guddoonada Baarlamaanada dalka.

Wali lama shaacin sababta loo baajiyay shirka, kaasi oo khilaaf xooggan ka dhex abuuray Gudoonada labada aqalka ee baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismana Jawaari iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Halkan ka akhri.

Cabdi Xaashi ayaa warqad uu u qoray Madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo horaantii bishan kaga codsaday in la joojiyo shirka uu abaabulayo Jawaari, kaasi oo uu sheegay inuu sharci darro yahay islamarkaana wiiqayo matalaadii Aqalka sare ee maamulada Federaalka ah.

Waxa uu Cabdi Xaashi ugu baaqay Jawaari inuu faraha kala baxo arrimaha maamullada islamarkaana uu uga dambeeyo Aqalka sare maadaama isaga uu siyaasadda uga matalayo dowladda dhexe.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online halayo ayaa sheegaya in khilaafka Jawaari iyo Cabdi Xaashi lagu dhameyn doono in ajandaha Shirka la bedelo, oo laga dhigo mid looga hadlayo wadashaqeynta Baaralamaanada, halka markii hore qorshaha uu ahaa in madal lagu sameeyo.

Senator Faroole oo shalay shir jaraa'id ku qabtey Garoowe, ayaa sidoo kale ugu baaqay Gudoomiye Jawaari inuu ka iska daayo shirarka meelaha uu ugu qabanayo Baaralamaanada maamullada. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM