Shuruudaha laga rabo murashaxiinta hogaanka Galmudug oo lasoo saarey

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee baarlamaanka Galmudug ayaa soo saarey shuruudaha laga rabo murashaxiinta u tartameysa hogaanka maamulkaas.

Murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa laga doonayaan in ay bixiyaan 20-kun oo Doolar, halka ku xigeenada ay waajib tahay in ay dhiibaan tobban kun.

Shaacintaan ayaa kusoo aadeysa iyaddoo khilaafka dowladda iyo Ahlu Sunna ee quseeya hogaanka kooxda maamuleysa coddeynta uu gaarey meeshii ugu sareysay.

Ahlu Sunna oo xukuumadda ku eedeysay "in ay afduubatay doorashadii gudoonka baarlamaanka" ayaa ku dhawaaqay in aysan qayb ka ahayn doorashadda hogaanka labaad ee dowlad goboleedkaas.

Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug ayaa loo muddeeyay in la doorto 30-ka bishaan Janaayo ee sanadkan 2020-ka, sidda ku cad warqadda uu arkay Garowe Online.

Doorashada hogaanka guddiga ayaa dhacday iyaddoo uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda iyo Ahlu Sunna oo ku saabsan in ururka uu majaraha u qabto kooxda maamuleysa cod-bixinta.

Ahlu Sunna oo wadar ahaan baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedkaas ku leh 20 sharci-dejiye ayaa si gaar ah waxay Guddiga doorashadda ku leedahay lix xubnood.

Lixda Xildhibaan ee Ahlu Sunna oo shir jaraa'id ku qabtay magaaladda Dhuusamareeb ayaa ku cagajugleeyay in ay doorasho kale qaban doonan hadii aanan xal laga gaarin cabashadooda ka dhan ah dowladda.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM