Sidee Carabtu uga falceliyeen hadalkii Ra’iisul Wasaare Xamse?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shalay ka hadlay mowqifkiisa ku aadan dagaalka Qasa, isagoo sheegay in ururka Xamaas ee la dagaalamaya Israa’iil aysan ahayn Argagixiso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa ku daray in Xamaas ay tahay jabhad xoreyn, isla markaana aysan Soomaaliya waxba ka bedeli doonin mowqifkeeda.

Hadalladan ayaa dhiliyay hadal hayn iyada oo ay soo wada qaateen warbaahinta Carabta, waxaana ka faallooday dad badan oo Carab ah, qaar ka mid ah dadka ka faallooday ayaa leh:

1- Waa tallaabo la mahadiyay oo loogu hiiliyay Islaamka, waxayna fadeexad ku tahay khaa'iniinta iyo kuwa Gacan saarka la leh, ee xoogaga iska caabinta ku tilmaama argagaxiso. https://twitter.com/heshamelkomy12/status/1720387161432682943

2- Mudane waad ku mahadsantahay mowqifka aad taagero ugu muujiseen shacabka Falastiin, iyo hadalkaaga raganimada leh ee aad ku taageertay qadiyaddooda iyo xoogaga iska caabinta Qasa. https://twitter.com/saleempress/status/1720391525262033128

3- Soomaaliya waa dalka ugu faqiirsan adduunka, laakiin geesinimo weyn ayay leeyihiin, halka dalalka ugu qanisan adduunka, Sacuudiga, Qatar, iyo Imaaraatka aysan ku dhiiran karin inay sidaas u hadlaan. Raganimadu kuma xirna dhaqaale. Falastiin ha noolaato. https://twitter.com/ABentobji/status/1720395774238818726

4- Soomaaliya waxay Sakada siin jirtay Jaziirada Carabta ka hor inta aan Shidaalka laga soo saarin, wali sida hore ayay qaali u yihiin. https://twitter.com/kheir0paradox/status/1720400300215775491

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaanaya xilli qaar ka mid ah wadamada Caalamka ay safiiradooda kala laabteen Israa’iil sababo la xiriira tacadiyada ka dhanka ah shacabka Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM