Sidee dadka reer Baardheere ula tacaaleen cabsida laga qabo duufaanta El Nino?

Image

BAARDHEERE, Soomaaliya - Qoysas badan ayaa ka barakacay magaalada Baardheere ka dib roobab mahiigaan ah oo laga dayriyay inay ka da'aan magaalada, iyaga oo ay dadka deegaanka ah bilaabeen dadaalo ay uga hartagayaan daadadkan laga cabsi qabo, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah.

Bulshada Baardheere ayaa u nugul roobabka maadaama ay daadadku ku soo noqnoqdaan magaalada, iyadoo oo galaafatay nolosha in ka badan 20 qof bishii Maarso ee la soo dhaafay.

Waxaana ku yaala magaalada Tog oo inta badan ku fataho, dadka deegaanka ayaana wada dadaalo lagu ballaarinayo togga iyo meelaha uu wabiga ka fataho, si ay u badbaadiyaan qoysas-ka ku nool jiinka wabiga Jubba

Ilaa haatan lama soo warin roobaab saamayn ku yeeshay magalaaada inay da’een balse waxaa laga cabsi qabaa in ay ka dhacdo dhibaatadii dhawaan soo gaartay magaalada Baydhabo oo geysatay khasaare nafeed, halka dadka deegaanka ay kala qeybsadeen mas’uuliyadda wax ka qabshada dhibaatdan.

Dadka deegaanka ayaa sameystey dhowr guddiyo si ay u waciyi-geliyaan dadka kana shaqayaan sidii loola tacaali lahaa halista ka imaanaysa wabiga Jubba, iyaga oo aan wax caawimaad ah ka sugin hay’adaha samafalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM