Sidee dadka reer Baardheere ula tacaaleen cabsida laga qabo duufaanta El Nino?

Image

BAARDHEERE, Soomaaliya - Qoysas badan ayaa ka barakacay magaalada Baardheere ka dib roobab mahiigaan ah oo laga dayriyay inay ka da'aan magaalada, iyaga oo ay dadka deegaanka ah bilaabeen dadaalo ay uga hartagayaan daadadkan laga cabsi qabo, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah.

Bulshada Baardheere ayaa u nugul roobabka maadaama ay daadadku ku soo noqnoqdaan magaalada, iyadoo oo galaafatay nolosha in ka badan 20 qof bishii Maarso ee la soo dhaafay.

Waxaana ku yaala magaalada Tog oo inta badan ku fataho, dadka deegaanka ayaana wada dadaalo lagu ballaarinayo togga iyo meelaha uu wabiga ka fataho, si ay u badbaadiyaan qoysas-ka ku nool jiinka wabiga Jubba

Ilaa haatan lama soo warin roobaab saamayn ku yeeshay magalaaada inay da’een balse waxaa laga cabsi qabaa in ay ka dhacdo dhibaatadii dhawaan soo gaartay magaalada Baydhabo oo geysatay khasaare nafeed, halka dadka deegaanka ay kala qeybsadeen mas’uuliyadda wax ka qabshada dhibaatdan.

Dadka deegaanka ayaa sameystey dhowr guddiyo si ay u waciyi-geliyaan dadka kana shaqayaan sidii loola tacaali lahaa halista ka imaanaysa wabiga Jubba, iyaga oo aan wax caawimaad ah ka sugin hay’adaha samafalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM