Sidee dowladda Soomaaliya u aragtaa Wadahadallada ONLF iyo Itoobiya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay aragtideeda ku aadan Wadahadallada magaalada Nairobi uga socda Ururka ONLF iyo dowladda Itoobiya.

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Wadahadalka labada dhinac, oo uu sheegay inuu yahay tallaabo loo qaaday dhanka nabada gobolka Geeska Africa.

Wuxuu intaasi ku daray Wasiirka in dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageerayso, islamarkaana ay soo dhaweynayso heshiiska dowladda Itoobiya iyo ONLF, oo malaintii 5-aad Shirka uga socda magaalada Nairobi.

Dhanka kale, Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay Wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland, oo uu sheegay in dhawaan ay furmi doonaan, si loo sii amba-qaado kulamadii u socda labada dhinac oo hakad ku jiray tan iyo 2015.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr Sacad ayaa dhawaan Shir jaraa'id oo uu ku qabtey Hargeysa ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ay ku kulmi doonaan dalka Jabuuti.

Sacad ayaa xusay in dowladda Switzerland marti-gelin doonto wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, iyaguna ay soo dhaweynayaan maadaama laga soo wareejiyay Turkiga. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM