Sidee u dhacday xuska maalinta Booliska Soomaaliya? [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xerada Tababarka Jeneraal Kaahiye waxaa maanta lagu qabtey munaasabad ballaaran oo lagu xusayo sanad-guuradii 74aad ee aas-aaska ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow, Taliyaal ciidan iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa ka qeyb-galay xuska Ciidanka Booliska oo sanadkii 1943 la aas-aasay.

Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Gorod, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo danjireyaasha Beesha Caalamka ayaa ka qeyb galay munaasabaddan oo si weyn loo soo agaasimay.

Khayre ayaa sheegay in Boolisku yahay halbowlaha nabadda iyo dhowrista sharciga, isagoo ugu baaqay inay laban laabaan waxqabadkooda, ayna feejignaadaan har iyo habeenba, si looga hortago shirqoolada Al Shabaab, loona baajiyo dhiiga shacabka.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa intaasi kadib ubax dhigay taallo loo sameeyey askartii ku geeriyootay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 14-kii bishan ka dhacay dugsiga tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye kaasi oo galaaftay nolosha 18 Askari.

Qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska ayaa dhoola tus ka sameey fagaaraha Jeneraal Kaahiye Booliska, halkaas oo ay ku soo bandhigeen xirfadooda, qalabkooda iyo qaybaha ay ka koobanyihiin.

Booliska oo ah unugii ugu horeeyay ee la aas-aasay ciidamada amaanka dalka ayaa ku shaqeeya duruufo adag oo mushaar la'aanta ugu horeyso, iyadoo dowladihii ugu dambeeyay lagu eedeeyay inay bixin waayeen xuquuqda ciidanka, iyadoo tii caalamka ugu talo-galayna laga musuq-maasuqo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM