Sidee u dhacday xuska maalinta Booliska Soomaaliya? [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xerada Tababarka Jeneraal Kaahiye waxaa maanta lagu qabtey munaasabad ballaaran oo lagu xusayo sanad-guuradii 74aad ee aas-aaska ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow, Taliyaal ciidan iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa ka qeyb-galay xuska Ciidanka Booliska oo sanadkii 1943 la aas-aasay.

Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Gorod, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo danjireyaasha Beesha Caalamka ayaa ka qeyb galay munaasabaddan oo si weyn loo soo agaasimay.

Khayre ayaa sheegay in Boolisku yahay halbowlaha nabadda iyo dhowrista sharciga, isagoo ugu baaqay inay laban laabaan waxqabadkooda, ayna feejignaadaan har iyo habeenba, si looga hortago shirqoolada Al Shabaab, loona baajiyo dhiiga shacabka.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa intaasi kadib ubax dhigay taallo loo sameeyey askartii ku geeriyootay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 14-kii bishan ka dhacay dugsiga tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye kaasi oo galaaftay nolosha 18 Askari.

Qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska ayaa dhoola tus ka sameey fagaaraha Jeneraal Kaahiye Booliska, halkaas oo ay ku soo bandhigeen xirfadooda, qalabkooda iyo qaybaha ay ka koobanyihiin.

Booliska oo ah unugii ugu horeeyay ee la aas-aasay ciidamada amaanka dalka ayaa ku shaqeeya duruufo adag oo mushaar la'aanta ugu horeyso, iyadoo dowladihii ugu dambeeyay lagu eedeeyay inay bixin waayeen xuquuqda ciidanka, iyadoo tii caalamka ugu talo-galayna laga musuq-maasuqo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM