Sidee u dhacdey doorashada xubnihii u horeeyay Aqalka Hoose?

Image
Ra'iisul wasaare ku xigeenka xilgaarsiinta Guuleed ayaa ku biiray hay'adda sharci-dejinta dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kusoo baxay wareegga 1aad doorashadda kursigii ugu horeeyay ee Gollaha Shacabka kadib doorasho ka dhacdey magaaladda Muqdisho.

Sida uu shaaca ka dhigay guddiga maamulaya coddeynta, Mahdi ayaa helay 97 cod, waxaana uu ka adkaadey Mushtaaq Ibraahim oo heshay 3 cod, iyadoo uu hallaabey hal cod.

Waxay ahayd guul horey loo saadaaliyay, maadaama Mahdi Guuleed oo hormuud u ahaa hanaanka doorashadda Xildhibaanada Somaliland ee ka socota Xerada Gen Kaahiye ee Muqdisho.

Dhanka kale, Biixi Iimaan Cige ayaa ku guuleystay kursi xubin Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee JFS ka dib markii uu ka guuleystay musharaxii la tartamay ee Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil 

"Biixi Iimaan Cige ayaa helay 91 cod, halka Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil uu helay 9 cod. Waxaa xumaaday hal cod," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay guddiga doorashooyinka.

Mudaneyaasha gobolada waqooyi ku metela baarlamaanka federaalka ayaa lagu doortaa Muqdisho maadaama aysan tagi karin degaanadooda oo 1991-dii looga dhawaaqay gooni-u-goosad.

Biixi ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay horey ugu fadhiyey isla gursiga uu maanta kusoo baxay, halka Mahdi uu bedelayo Xuseen Carab Ciise oo horey u soo noqdey wasiirka gaashaandhiga.

Sidoo kale, Xuseen oo ku eedeeyay Mahdi in uu ka boobay kursiga una diidey in uu tartan furan galo ayaa wuxuu horey u soo qabtey xilka ra'iisul wasaare ku xigeenka

Inkasta oo Somaliland ay sheegato in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya, hadana waxaa caalamka u aqoonsan yahay in ay hoostagto Muqdisho oo ay joogaan wakiilo isugu jira mas'uuliyiin kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM