Sirdoonka Jubaland oo soo bandhigay nin Kismaayo ku dilay askari

Image

KISMAAYO, Jubaland – Ciidamadda nabad-sugida iyo sirdoonka Jubaland ayaa nolosha ku qabtay nin la sheegay in uu askari ku dilay Kismaayo.

Alle ha u naxariistee, Maxamed Yare, ayaa markii la toogtay waxaa horey looga qaatay qorigii uu watay, sidda laga soo xigtay ciidamadda.

Wararka qaarkood oo laga helayo xarunta ku meel gaarka Jubaland ayaa waxay tibaaxayaan in eedeysanaha uu falka khaarijinta ah ku geystay Falaar.

Taliska mukhaabaraadka Jubaland ayaa war uu soo saarey ku caddeeyay in ninkaan lasoo qabtay kadib markii ay howlgalo sameeyeen.

Qoraalka oo lasoo dhigay barta Facebook-ga ee NISA-Jubaland ayaa lagu soo bandhigay sawirka eedeysanaha, wallow aan magaciisa lagu xusin.

Baaritaanka kadib ayaa la filayaa in maxkamad lasoo taago.

Bishii hore, ciidamadda ay fashiliyeen dadna u qabteen weeraro lagu tilmaamay "kuwa abaabulan" oo lala damacsanaa huteelo iyo xarumo dowladeed.

Hoos ka akhriso qoraalka NISA-Jubaland

Ciidanka Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigtay ninkan isagoo daba gal lagu hayay.

Askari ka tirsan ciidanka ammaanka Alle ha u Raxmadee oo la oran jiray Maxamed Yare ayuu dilay kana qaatay qorigii.

48 saac ka hor NISA Jubbaland oo baaritaan ku waday ayaa soo qabatay caawa ninkan iyo qorigii uu ka qaatay askarigii uu gaadmada ku dilay xili habeen bar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM