Sirdoonka Jubbaland oo digniin horleh kasoo saarey xirashada Niqaabka

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta oo Khamiis ah waxay digniin horleh kasoo saartay xirashadda Indho-shareerka.

Qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee hay'adda waxaa lagu sheegay in kol hore degaanadda maamulkaas laga mamnuucay niqaabka, sabab la xiriirta feejignaan dhinaca nabad-gelyadda ah.

"Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland waxay ku war gellinaysaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Guud ahaan Deegaanada Jubbaland in ay ka feejignaadaan adeegsiga ama xirashada Indho shareerka oo kol hore la mamnuucay," ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa ku daray: "Iyadoo laga hortagayo khatar amni oo ka dhalata xirashada Niqaabka ama indho shareerka waxaa suurto gal ah in Cadowga umada Soomaaliyeed ay ka faai'deystaan Xirashada Shareerka Xiliga adag ee Lagu gudo jiro ka hortaga Aafada COVID_19".

"Shacabka rag iyo dumarba waxaa ay si siman u isticamaali karaan Gafuur Xirka afka qalaad lagu dhaho Face Mask. Ka qeyb qaado ilaalinta amniga xili walba iyo xaalad walba," ayaa lagu soo xiray.

Laamaha ammaanka Jubbaland ayaa heegan buuxa la geliyey si ay uga hortaggaan falal liddi ku ah amniga inta lagu jira xaaladda adag ee uu sababay sababay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Jubbaland ayaa laga xaqiijiyey ku dhowaad 30 xaaladood oo caabuqaas dilaaga ah, waxaana maamulku uu dhowaan shaaciyey in uu kordhinayo xarumaha karantiilka xanuunka oo hadda kooban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM