Abshir Gaarane Axmed: Waa kuma fanaanka Al-Shabaabka isku bedelay?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa caawa, 21 Janaayo, 2020, baahisay muuqaal uu kasoo muuqday Abshir Gaarane Axmed.

Abshir, oo qeyb kamid ah hees uu qaaday lasoo raaciyey muuqaalka, ayaa ka tirsan kooxda fanka ee gobolka Banaadir si gaar ah mas'uuliyiinta kooxdaas.

Sidda uu ku sheegay muuqaalka, Abshir oo u muuqda mid leh cod halaasi ah ayaa qirtay in uu ka mid yahay dagaalameyaasha hubeysan Al-Shabaab.

Sanadkii 2013-kii ayuu qaboolka ka qaadey in uu si rasmi ah kaga mid noqday maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida.

Qoraal kooban oo kasoo baxay NISA kaasoo nuqul kamid ah uu arkay GO ayaa lagu sheegay in loo gudbin doono hay'addaha garsoorka.

"Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa argagaxisada AlShaabab xuuraanka & Maaliyadda ayaa Dabagal dheer kadib NISA gacanta kusoo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo Hay’adaha garsoorka," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qoraalka NISA.

Tani ayaa xoojineysa sheegashooyin badan oo bilooyinkii lasoo dhaafay xoogeystay oo ku saabsan in Al-Shabaab ay ku dhex-milantay hay'addaha dowladda Soomaaliya.

Waa kuma Abshir Gaarane Axmed?

Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayuu kasoo jeedaa, sidda uu ku sheegay dhowr wareysi oo uu siiyey warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho.

Fanaankan la xag-jireeyay ayaa lagu waramay in uu xoghaye u ahaa Shamso Cali Macalim, oo ah agaasimaha waaxda dhanka fanka ee maamulka gobolka Banaadir.

Qabashadiisa ayaa la fahansan yahay in ay timid markii uu soo far-muuqay Ilkacase, macalinkii dilaaga noqday ee dhowaan kasoo muuqday Talafishinka Qaranka.

Hay'adaha nabad-gelyadda ayaa la wariyey in ay baaritaano ku wadaan fanaaniin kale oo la xiray markii ciidamadu ku duuleen hoy ay ka deganaayeen Boondheere.

Eedeysanaha ayaa la tibaaxay in uu si ku meel gaar ah u qabtay xilka Madaxa Maaliyada Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, isla markaana uu bixin jiray gunada "dilaayaasha".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM