Siyaasi CC Shakuur oo ka digay dhismaha Galmudug aan mid ahayn

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga kaga digay dhismaha maamul Galmudug oo kala qeybsan.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo uu culeys kusoo kordhay doorashada madaxtinimadda maamulkan markii uu khilaaf soo kala dhex-galay Ahlu Sunna iyo dowladda oo quseeya hogaanka guddiga doorashada.

Hoos ka akhriso qoraalkiisa

Hogaanka Dawlada Federaalka waxay awoodii iyo dhaqaalihii dawladnimo horay ugu adeegsadeen in madaxweynihii Galmudug xilka laga tuuro. Uma Ayaan hirgelin, laakiin waxay ku guuleysteen in ay kala qaybiyaan hogaankii Galmudug.

Markii ay majaraha u qabteen maamul samayntii Galmudug, natiijadii waxay noqotay qabiiladii iyo odayadii dhaqanka Galmuudg oo dhac iyo boob ka cabanaya , madaxweynihii xilka lagala wareegi lahaa oo Gaalkacyo maamul kale ku dhisaya, musharixiintii u tartamayey xilka madaxweynaha iyo Ahlusunna oo doorashadii qaadacay.

Qaylo dhaan meel walba ah, haddaba su’aashu waxay tahay yaa loo dhisayaa Galmudug kala dhantaalan?

Isku day walba oo shakhsi ama koox 30 kii sano ee ugu danbaysay ay talo Soomaaliyeed ku boobeen, Galmudugna kuma sii jirto e, waxay ku soo idlaatay caaqibo la’aan.

Waa waali siyaasadeed haddii mar walba lagu celceliyo hal ficil oo isku mid ah, lana filasho natiijo ka duwan kuwii hore.

Waxaan ka digaynaa talo xumo iyo tijaabooyinka horay loogu tacab beelay.

Waxaan kula talinaynaa kuwa u durbaan tumaya talo hal dhinac ka raran iyo kuwa ka dhowranaya Galmudug kursi federaal oo keli ah, in ay fogaan arag yeeshaan, oo ay danta dadka iyo deegaanka xeeriyaan, waxna ku qaataan waayaha na soo maray, gaar ahaan kuwa ku soo gubtay xukunka Galmudug kala dhantaalan.

Galmudug waxaa lagu wedi karaa oo keli ah siyaasad loo dhanyahay oo aan cidna laga tegin, laga tashan, la tuurin, laga takhalusin. Siyaasad aan ku meel gaarid ahayn ee mudnaanta la siinayo danta dadka iyo deegaanka Galmudug.


GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM