Siyaasi Faarax Cali Shire oo baaq nabadeed diray [Dhageyso]

Image

GAROOWE - Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire ayaa codkiisa ku biiriyay baaqa nabadeed ee loo dirayo beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Cagaare iyo Qoriley.

"Dagaalka waa uu soo noq-noqday, go'aanadii hore looga gaareyna waxba kama hergelin, marka waxaan ugu baaqayaa labada dhinac in colaadda wadahadal iyo walaaltinimo lagu dhameeyo," ayuu yiri Faarax.

Siyaasigan ayaa cambaareeyay cid kasta oo dagaalka ka qeyb-qaadatey labada dhinac, hadii ay ahaan lahayd af, adin iyo dhaqaale, taasi oo dheera-gelinaysa in colaadda sokeeye ay daba dheeraato.

Faarax Cali Shire ayaa hadlay warar soo baxaya oo sheegaya in in ciidamada Puntland ee ku sugan gobolka ay ku lug yeesheen dagaalka Cagaare iyo Qoriley, inkastoo warkaasi aan wali la xaqiijin.

"Waxaa soo baxaya warar la leeyahay ciidamo ayaa ka qeyb-qaatey, ciidamada Puntland waxaan ugu baaqayaa inay labda dhinac dadkooda yihiin, oo looga baahan yahay inay kala dhex-galaan, oo amniga soo celiyaan," ayuu hadalkiisa raaciyay Faarax.

Wuxuu ku baaqay in la baaro in ciidamada Puntland ay ka qeyb-qaateen, kadibna tallaabo sharci ah laga qaado cid walba oo si qarsoodi ah u gashay dagaalka u dhaxeeya beelaha walaalaha ah.

Faarax ayaa ka codsaday culimada, waxgaradka iyo nabadoonada inay si deg deg ah, oo aan daahid lahayn ugu istaagaan joojinta dagaal beeleedka sababaya burburka iyo barakaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM