Sohdinta ugu muhiimsan ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo la xiray

Image

NAIROBI, Kenya – Qeybta ugu muhiimsan ee xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ayaa gebi ahaanba la xiray, sidda uu qoray wargeyska Standard.

Ma cadda ujeedada ka dambeysa talaabadaan oo xukuumadda Nairobi aysan si furan ugu sheegin dadweynaha.

Xirnaanshiyaha xuduudka waxaa la tilmaamay in lagu soo qaadey kulan uu Uhuru Kenyatta la yeeshay hogaamiyeyaasha gobolka waqooyi Bari.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay qaabka loosoo afjaro karo amni daradda iyo duulaanada xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Kenyatta ayaa la tilmaamay in uu hoosta ka xariiqay in xirnaanshiyaha ay suurtagelin karto in Kenya ay ka nabad-gasho weerarada Al-Shabaab.

"Ciidamadeenu waxay xireen xadka ugu muhiimsan ee Kenya iyo Soomaaliya…mana jiri doono wixii haatan ka dambeeya weeraro ay argagixisada Al-Shabaab kusoo qaado Kenya," ayuu raaciyey.

Sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah ee Kenya, Kenyatta ayaa tibaaxay in xalka weeraradda Al-Shabaab uu saameyn ku yeeshay beenta uu hogaanka u sheego dadweynaha.

Tan iyo markii ay ciidamadeeda kamid noqdeen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, Kenya waxay la daalaadhaceysa iska caabinta Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM