​Somalia: Al-Shabaab oo dad ku afduubtay Gedo

Image

Mallayshiyaad la rumaysanyahay inay katirsanyihiin kooxda Al-Shabaab, ayaa afar qof oo rayid ah ka afduubtay inta u dhaxeysa degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee gobbolka Gedo.

Dadka la afduubtay waxaa ku jira madaxii qeybta caafimaadka ee hay'adda Laanqayrta Cas ee Gedo, Aadan Cabdi Aadan iyo shaqaale kale oo caafimaad, siday noo xaqiiyeen goob joogayaal kusugan degmada Baardheere.

Dadkaan la afduubtay oo kasoo amba baxay degmada Baardheere iyagoo ku sii jeeday degmada Ceelwaaq, waxaana markii ay marayeen Deegaanka Sadiima oo 70 u jira degmada Baardheere joojiyay maleeshiyaad wajiyada soo duubtay.

Ilaa hadda lama oga halka dadkaasi lala aaday mana jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Afduubka, balse waxaa falalkan oo kale Somalia ka gaysta ururka Al-Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM