Somalia: Al-Shabaab oo dib u qabsatey magaalada Marka

Image

MUQDISHU- Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarrunta gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in maleeshiyaadka al-Shabaab ay dib u qabsadeen magaalada Marka duhurkii maanta.

Dagaal muddo kooban socday ayuu duleedka magaalada ku dhex maray ciidamo dowladda Soomaaliya ka tirsan iyo kooxda al-Shabaab. Illaa iyo hadda lama yaqaan qasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi uu dhaliyay.

Arrintani, ayaa waxay ka dambeysay kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay saaka magaalada ka saareen kooxdii al-Shabaab oo habeen hore dagaal la'aan ku gashay magaalada, markii ay isaga baxeen magaaladaasi ciidamadii AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa VOA u sheegay in dagaal muddo kooban uu dhex maray mar kale al-Shabaab iyo ciidamadii dowladda ee magaalada saaka galay, kuwaas oo markii dambe magaalada ka baxay.

Hadda, waxa magaalada ku sugan kooxda al-Shabaab, siday dadku sheegayaan.

Dagaalladan dhacayay, ayaa la sheegay in aan haba yaraatee ku lug laheyn ciidamada AMISOM, waxana wararka aynu heleyno ay sheegayaan in ay ciidamada AMISOM ee Marka ka baxay habeen hore ay degeen xerrada Ayuub oo duleedka magaalada Marko ah.

Qabsashadaan dambe ayaa timid kadib markii maanta Wasiirka Gashaandhiga iyo Warfaafinta Somalia warsaxafdeed ay qabteen ku sheegeen in ciidamada dowlada Federaalka dib u qabsadeen magaalada Marka xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

VOA+GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM