Somalia: Al-Shabaab oo ka hadashay duqaynta Maraykanka

Image

War kasoo baxay ururka Al-Shabaab ayaa lagu beeniyay tirada weerarka Maraykanku ka gaystay Koonfurta Somalia, waxaana Afhayeen u hadlay ururkaasi oo  lagu magacaabo Abdulaziz Abu Mus'ab uu sheegay inaysan xaqiiqo ahayn tirada weerarka lagu dilay, wuxuuse qiray in duqayntu dhacday.

Afhayeenka oo lahadlayay al-Jazeera qaybteeda Afrika, wuxuu shaaciyay in tiro intaasi le'eg oo kooxda ka mid ah goob la isugu keenin, wuxuuna hadalka Maraykanka ku tilmaamay riyo. 

"Ameerikaanku wey riyoonayaan, weligeen tiro intaasi le'eg oo kooxdeena kamid ah hal goob isumaanan keenin, waan la soconaa xaaladda ammaan,"Ayuu yiri Abu Mus'ab. 

Wuxuu intaasi ku daray in weerarka ka dhacay deegaanka Maraykanku sheegay oo 170km u jirta magalada Muqdishu, "Haa, weerarku waa dhacay, wuxuuna ka dhacay halka ay sheegeen, laakiin tirada dhimashada ee adduunka loo baahiyay waa been,"Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Muscab.

Arrintan ayaa timi xilli Afhayeen u hadlay Pentagon Maraykanka oo lagu magacaabo Jeff Davis uu sheegay inay dileen 150 katirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa saldhiga ay ku lahaayeen tuulo hoos timaada degmada Buloburte.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM