​Somalia: AMISOM oo ka hadashay dilkii loo gaystay 4 qof shacab ah

Image

MUQDISHU- Warsaxaafadeed kasoo baxay hogaanka ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan ayaa looga hadlay dilkii shalay loo gaystay 4 qof shacab deegaanka Buulo-mareer gobolka Shabeellaha hoose, waxaana arrintaasi lagu sheegay mid aysan ciidamadu u samayn ula kac.

Qoraalkan, waxaa lagu muujiyay in arroortii hore Sabtidii lasoo dhaafay 16 April, 2016 deegaankaasi laga sameeyay howgal ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana markii uu soo dhammaaday ciidamadu la kulmeen gaari xawli u socda oo ka dhaga adaygay inuu istaago, taasi oo kaliftay in rasaas lagu furo kadib markii loo maleeyay inuu sido walxaha qarxa.

Falkan, waxay sheegeen AMISOM inay ka xunyihiin islamarkaana qoysaskoodii la qaybsanayaan geerida soo wajahday shacabkaasi, waxayna xuseen inay samaynayaan baaritaan si wadajir ah u samaynayaan AMISOM, maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federalka Somalia.

Waxay sheegeen inay qaadi doonaan tallaabo ku haboon falcelinta dhibkan, kadib markuu soo dhammaado baaritaanku.

Dhinaca dowladda Somalia, majiro wax war ah oo kasoo baxay kaasi oo ku aadan dilka shacabkaasi.

Maaha markii ugu horaysay ee ciidamada Midowga Afrika dil u gaysteen shacab Somaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM