Somalia: ​Boliiska Banaadir oo sheegay inay hayaan kooxo dil gaystay

Image

MUQDISHU- Taliska qaybta Boliiska gobolka Banaad ayaa maanta shaaciyay inay gacanta kusoo dhigeen dhagar qabaal ka dambeeyay dilaal ka dhacay magalada Muqdishu inta u dhaxaysa 15 bishan ilaa saaka oo la dilay labo dumar ah.

Cali Xirsi Barre "Cali Gaab", taliyaha qaybta boliiska gobolka Banaadir, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay qabteen dadkii ka dambeeyay weerar lagu qaaday gabdho walaalo ah xilli saaka u socdeen waxbarasho iyo haweenay da'a ah oo xalay gurigeeda lagu dhex dilay.

Cali Gaab, ayaa xusay inay raggaasi qaybtood falka u gaysteen ula kac baaritaanna lagu samaynayo, halka kuwa kale uu sheegay in qasdigoodu ahaa inay dhacaan Bajaaj, balse weerarkaasi ku dileen gabar lagu magacaabi Jiray Fowsiyo Jamaal Xasan islamarkaana dhaawaceen Shankaroon Jamaal Xasan iyo wadihii gaadiidkaasi.

Taliyaha ayaa xusay inay dhammaan dadka lasoo qabtay sharciga horgayn doonaan maalmaha soo socda, isagoona xusay inay habeen iyo maalin shaqaynayaan ciidamada nabad galyada gobolka Banaadir.

Arrintan, ayaa kusoo beegantay xilli caasumadda Somalia, kusoo badanayaan weerarada loo gaysto dadka shacabka iyo mas'uuliyiinta xilalka ka haya dowladda Somalia, waxaana inta badan falalkaasi fuliya mallayshiyaadka ururka Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM