Cumar Cabdirashid oo difaacey nidaamka 4.5

Image

MUQDISHU- Kadib marki ay qaadaceen Puntland iyo Somaliland go'aankii kasoo baxay shirki madasha wadatashiga qaran ee ahaa in habka lagu soo dhisayo dowlada soo aadan ee Somalia sanadkan 2016 ayaa marki ugu horeeysay waxaa arrintaasi difaacay Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid.

Wareysi uu siiyey saakay VOA Somali ayuu Cumar Cabdirashiid ku sheegay in markii ay dhan walba ka eegeen xaaladda uu hadda dalku marayo ay go'aansadeen in la raaco habka 4.5 oo lagu soo dhisi doono awood qeybsiga Baarlamaanka, halka aqalka sare uu noqon doono mid loo qeybin doono maamul goboleedyada.

"Waxaan anaga ka dowladda dhexe ahaan is tusnay in hadii maamul lagu saleeyo awood qeybsiga xukuumada soo aadan ay keeni doonto xasilooni darro hor leh, ma dooneyno in dalka aan ka dhigno sida Ciraq ama Afghanstan, sababta ugu weyn ayaa ah in aysan jirin wax tira koob ah oo laga sameyey dalka.” ayuu yiri Ra’isulwasaaraha.

Mar wax laga weydiyey qaadacaada Puntland ee go'aankii shirka wadatashiga ayuu ku sheegay in ay muhiim tahay in aanan la horseedin xasilooni darro dalka ka dhacdo xilligaana aysan muhiim aheyn in dalka awooda lagu qeybsado deegaan.

Cumar Cabdirashid oo kasoo jeeda degaanka Puntland ayaa xafiiska Ra'isal wasaaraha ee uu hadda hayo ku jooga nidaamka awood qaybsi ee ka jira Somalia.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA RW CUMAR CABDIRASHID

GAROWEONLINE + VOA

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM