Somalia: Dad ka badan Nus milyan oo ku barakacay Elnino

Image

Mogadishu-Ra'iisul Wasaare xigeenka dowlada federaalka Soomaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa ku dhawaaqay in in ka badan Nus milyan qof ay ku barakaceen Daadadka ka dhashay roobabka xad dhaafka ah ee Elnino ee gudaha Soomaaliya ka da'ay.

In ka badan 10 gobal iyo 25 degmo ayuu sheegay oo gudaha Soomaaliya in ay Daadadku ay saameeyeen isla markaana ay ku sugan yihiin xaalad adag in ka badan hal milyan iyo labo boqol iyo afartan kun oo qof.

Magaalooyin ay kamid tahay Baardheere ayaa ay Daadadku jareen buundooyinkoodi iyaga oo haatan laga dayrinayo in inta badan degmooyinka dhaca wabiga Jubba aysan suurtagal ahayn in Gaadiid dhanka dhulka ah wax lagu gaarsiiyo.

Daadadkaan ayaa sidoo kale ay ku walaac san yihiin khubaradu in ay ku fidaan gobalada waqooyi bari ee Soomaaliya gaar ahaan gobalka gacanka bari ee fog, Raas Casayr oo isagu haatanba ay wadooyinkiisu ay gabaabsi yihiin kadib markii ay hore u go'een wadada kaliya ee gobalkaasi lagu gaari jiray ee Lafo-Gorey.

Sidoo kale magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayay biyaha roobku dhex fadhiyaan wali wadooyinkeeda waawayn iyada oo ay saamayn ku yeesheen isu- socodka iyo nolosha dadka.

 

GaroweOnline.

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM