Somalia: Dagaal Ka Socda Duleedka Kismayo

Image

KISMAYO- Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Itoobiya ee Amisom iyo kuwa maamulka Jubbaland oo dhinac ah iyo maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Kismaayo.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jubbaland ay weerareen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayeen deegaanada Buulo_Gaduud iyo Yoontooy ee gobolka Jubbada Hoose..

Dagaalka ayaa ku billowday duqeyn ay sameeyeen ciidamada Itoobiya, waxaana xigay iska horimaad toos ah oo aad u qaraar oo dhex maray labada dhinac.

Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha dagaalka.

Isgaarsiinta Kismaayo iyo gobollada Jubbooyinka ayaa jaran, dagaalkana weli waa uu socdaa.

Dagaalkaan ayaa imaanaya kadib markii maanta ciidamada Amisom iyo kuwa Somalida isaga baxeen magaalada Marka gobolka shabeelaha hoose.

VOA +GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM