Somalia: Dagaal Ka Socda Duleedka Kismayo

Image

KISMAYO- Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Itoobiya ee Amisom iyo kuwa maamulka Jubbaland oo dhinac ah iyo maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Kismaayo.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jubbaland ay weerareen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayeen deegaanada Buulo_Gaduud iyo Yoontooy ee gobolka Jubbada Hoose..

Dagaalka ayaa ku billowday duqeyn ay sameeyeen ciidamada Itoobiya, waxaana xigay iska horimaad toos ah oo aad u qaraar oo dhex maray labada dhinac.

Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha dagaalka.

Isgaarsiinta Kismaayo iyo gobollada Jubbooyinka ayaa jaran, dagaalkana weli waa uu socdaa.

Dagaalkaan ayaa imaanaya kadib markii maanta ciidamada Amisom iyo kuwa Somalida isaga baxeen magaalada Marka gobolka shabeelaha hoose.

VOA +GAROWEONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM