Somalia: ​Dagaal kasocda Dhuuso-mareeb

Image

Dagaal xooggan, ayaa kasocda degmada Dhuuso-mareeb ee bartamaha Somalia, kaasoo bilowday xalay saq dhexe, waxaan jira khasaaro kala duwan oo isku dhacaasi sababay.

Dagaalka oo bartamaha magalada ka bilowday, wuxuu u dhaxeeyaa maleeshiyaad ka tirsan maamulka Ahlu Sunna iyo ciidamo uu wato nin horey uga goostay Milatariga Somalia oo ka soo jeeda deegaankaasi, kaaso magaciise lagu soo koobay Liibaan Madaxweyne.

Afhayeenka maamulka Ahlu-Sunna Mursal Xefow oo BBC-da la hadashay ayaa sheegay in dagaalkan uu ahaa mid la soo abaabulay oo lagu soo qaaday Ahlu-Sunna, waxa uuna ku eedeeyay in Galmudug ku lug leedahay.

Khasaaro xooggan, ayaa lasoo sheegayaa balse  ma jirto cid si rasmi ah kuug cadayn karta, maadaama dagaalku weli socda, waxaan dadka reer Dhuuso-mareeb saq dhexe xalay ka war heleen daryanka rasaasta oo ka bilaabatay saldhiga magalada, wuxuuna soo gaaray saaka wabarigii.

Inkastoo mar dagaalku hakaday misna saaka ayaa dib u cusboonaaday, waxaana goob joogayaashu sheegayaan in dad badan magalada ka qaxeen.

Faah-faahinta wararkeen dambe ayaan idiin kusoo gudbin doonaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM