​Somalia: Goobo laga qabsaday Shabaab

Image

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee Somalia, ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed sameeyeen howl gallo lagu xaqiijinayo amniga islamarkaana kooxda Shabaab looga saarayo deegaano ay ku sugnaayeen.

Tuulooyin dhawr ah oo hoos taga degmada Xudur, ayaa ciidamada la wareegeen iyadoo aysan jirin dagaal dhacay, waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada maamulkaasi.

“Howlgalladu way socdaan, waxaana ay ciidamada ku suganyihiin Tuulada abaq-beedeey iyo tuulooyin kale oo degmada hoos yimaada, tuulooyinkan waxa ay ka midyihiin goobihii ay Shabaabku dadka ku dhibaateyn jireen, haatana ciidanka ammaanka ayaa ku sugan oo sameynaya howlgallo amni xaqiijin ah,” Ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin.

Xaaladda goobaha lala wareegay ayaa haatan dagan balse waxaa jira cabsi dadka deegaanku ka qabaan in dagaalo dhacaan, waxaana mallayshiyadii joogay tulooyinkaasi u baxeen dhinac baadiyaha.

Howlgalkan, ayaa lagu soo beegay xilli shalay 26 saldhiga ciidamada Milateriga Somalia ee Daynuunaay weerar kusoo qaadeen mallayshiyaad Shabaab katirsan, waxaana khasaaraha ka dhashay lagu sheegay 20 dhinaca Shabaah ah iyo 8 ciidanka dowladda katirsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Sheegay In Uusan Wadahadallo Kula Jirin Somaliland Si Loo Aqoonsado

Madaxweyne Trump ayaa dhawaan mar kale muujiyay xiisaha uu u qabo arrimaha amniga ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:02PM

Kenya oo Dhex-dhexaadinaysa Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe

Khilaafkan siyaasadeed wuxuu imaanayaa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 01:02PM