​Somalia: Goobo laga qabsaday Shabaab

Image

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee Somalia, ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed sameeyeen howl gallo lagu xaqiijinayo amniga islamarkaana kooxda Shabaab looga saarayo deegaano ay ku sugnaayeen.

Tuulooyin dhawr ah oo hoos taga degmada Xudur, ayaa ciidamada la wareegeen iyadoo aysan jirin dagaal dhacay, waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada maamulkaasi.

“Howlgalladu way socdaan, waxaana ay ciidamada ku suganyihiin Tuulada abaq-beedeey iyo tuulooyin kale oo degmada hoos yimaada, tuulooyinkan waxa ay ka midyihiin goobihii ay Shabaabku dadka ku dhibaateyn jireen, haatana ciidanka ammaanka ayaa ku sugan oo sameynaya howlgallo amni xaqiijin ah,” Ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin.

Xaaladda goobaha lala wareegay ayaa haatan dagan balse waxaa jira cabsi dadka deegaanku ka qabaan in dagaalo dhacaan, waxaana mallayshiyadii joogay tulooyinkaasi u baxeen dhinac baadiyaha.

Howlgalkan, ayaa lagu soo beegay xilli shalay 26 saldhiga ciidamada Milateriga Somalia ee Daynuunaay weerar kusoo qaadeen mallayshiyaad Shabaab katirsan, waxaana khasaaraha ka dhashay lagu sheegay 20 dhinaca Shabaah ah iyo 8 ciidanka dowladda katirsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM