​Somalia: Guddoonka Barlamanka oo xayiray safarrada Xildhibaanada

Image

MUQDISHU- Gudoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta [27 April, 2016] sheegay wixii hadda ka dambeeya inuusan jiri doonin Xildhibaan u bixi kara safar dalka dibaddiisa, isagoo ugu baaqay kuwa maqan inay dhaqso usoo xaadiraan.

Jawaari ayaa sidoo kale ka digay in mudanayaashu maqnaadaan kulamada muhiimka ah ee golaha shacabku yeeshaan isagoo xusay inay soo dhammaatay waqtigii la iska maqnaan jiray.

Gudoomiyuhu wuxuu amarkiisan u cuskaday howlo badan oo Barlamanka horyaalla isagoo sheegay in dhammaan Xildhibaanada saarantahay mas'uuliyad badan, dalkuna ku jiro marxalad kala guur ah.

Arrintan ayaa timi xilli maalmihii lasoo dhaafay mudanayaashan kulamo kala duwan uga socda xaruntooda Muqidishu, waxaana jiray xubno badan oo ka maqnaa fadhiyadaasi iyo kuwa jiray safarro dalka dibadiisa ah.

Barlamankan, ayaa waxaa u haray muddo kooban iyadoona u socda kalfadhigoodii 8-aad, waxaana la kala diri doonaan markuu soo dhamaado fadhigoodan dastuuriga ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM