Somalia: Masaajid hub laga helay Muqdishu

Image
Image
Image

31 December, 2015(GO)-Baaritaano laga sameeyay qaybo ka mid ah magalada Muqdishu gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa ciidanka amnigu heleen hub lagau kaydinayay Masaajid ku yaalla degmadaasi.

Howlgalka ayaa suurta galiyay in la helo hub waawweyn oo ay ka midyihiin qoryaha lidka diyaaradaha iyo kuwa garabka laga gano.

Wasiirka amniga gudaha iyo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa hawlgalka kadib halkaasi kormeer ku tagay masaajidka laga helay hubka, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan baaritaanka.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed wasiirka aminga gudaha ee dowladda Fadaraalka Somalia oo la hadlay Saxaafadda ayaa ku amaaanay Ciidanka Boliiska dadaalka u galeen inay soo qabtaan hubkaasi.

Mas'uuliyiinta dowladda ayaa xaqiijiyay in hubkan ay leeyihiin ururka Al-Shabaab islamarkaana qorshaynayeen weeraro ka dhaca magalada Muqdishu.

Laamaha amnigu ma caddayn in hubkaas loo soo qabtay shakhsiyaad lala xiriirinayo, balse waxaa warbaahinta loo soo bandhigay waxyaabaha gacanta ku dhigeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM