Somalia: Mas'uuliyiin laga sugayo Barlamanka

Image

MUQDISHU- Waxaa weli aan suurto galin dalabka Xildhibaanada Somalia ee doonaya inay su'aalo weydiiyaan xubno katirsan golaha fulinta iyo taliyaasha amniga Somalia, kadib markii uu faraha kasii baxay ammaanka caasumadda Somalia.

Waxaa dhawr jeer oo hore baaqday kulamo lagu dalbanayay inay soo xaadiraan xarunta golaha shacabka Somalia, wasiirka Amniga, taliyaasha Nabad sugidda iyo Boliiska.

25 bishii lasoo dhaafay, ayaa ugu dambayn loo qaybtay mas'uuliyiinta oo soo xaadiriyay waayay madasha looga yeeray, waxaana xilligaasi waraaq kasoo baxday xafiiska wasiirka Amniga Somalia Cabdirasaaq Cumar, lagu xusay cududaar qeexaya inuusan oofin karin dalabkaasi shaqooyin uu hayo awgeed, halka taliyaasha aysan keenin wax cududaar ah.

Arrimahaasi oo dhan waxay keeneen in shalay xarunta golaha shacabka ku yeeshaan kulan khaas ah mudanayaal katirsan Barlamanka Somalia, waxaana shirkaasi lagu go'aamiyay in mudanayaasha matala shacabka hor yimaadaan Ra'isala wasaaraha iyo xubnihii horay loogu yeeray.

Shirka shalay ayaa ka dambaysay markii wasiirka Amnigu soo xaadiray madasha, balse la waayay saraakiisha amniga, waxaana taasi kaliftay in wasiirka koowaad Cumar Cadirashiid Cali Sharmake, Barlamanku dalbado.

Mas'uuliyiinta ayaa wax laga weydiin doonaan ammanka guud ee dalka gaar ahaan tan caasumadda Somalia iyo qorshaha amniga loogu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir, taasoo xubno Barlamanka katirsan dood ka keeneen iyagoo cuskanaya in taliyaha Nabad sugidda Somalia Cabdiraxmaan Tuur-yare uusan awoodin wareejinta ciidanka, balse hogaamada oo kaliya kala badali karo.

Hadaba waxaa xusid mudan hadii Barlamanka horyimaadaan mas'uuliyiinta oo su'aalo la weydiiyo maxaa isbadalaya?, macquulse ma tahay inay tagaan?

Jawaabaha su'aalahaasi waxaana kusoo gudbin doonaa hadba waxa kasoo baxay dalabka Xildhibaanada iyo jawaab celinta xubnaha loo yeeray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM