Somalia: ​Safarkii Ra'isal wasaaraha oo baaqday

Image

MUQDISHU- Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, ayaa maanta ka baaqday safar uu ku tagi lahaa degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud sababo la xiriira arrimo farsamo.

Wararka ku xeeran baaqashada Sharmake, ayaa sheegaya in maamulka Ahlusunna ka biyo diideen xubno kamid ah wafdiga soo raacaya iyagoo sheegay inaysan goob joog ka noqon doonin wadahadalka laga yeelanayo tabashooyinkooda ku aadan dowladda Federalka iyo khilaafka kala dhaxeeya maamulka Galmudug.

Sarkaal katirsan xafiiska Ra'isal wasaaraha ayaa warsidaha GO, u sheegay in safarkaasi la hakiyay maanta, balse ay tagi doonaan maalmaha soo socda, isagoo xusay inuusan jirin dhibaato xooggan, laakiin  labada dhinac kawada xaajoonayaa arrimaha ay ka biyo diideen Ahlusunna Waljameeca.

Wuxuu intaasi ku daray in booqashadooda degmada Dhuusomareeb la xiriirto sidii loo dhammayn lahaa muranka ka taagan gobollada dhexe iyo qaabkii loo sii amba qaadi lahaa hishiis ay golaha xukuumaddu garwadeen ka ahayd kaasi oo u dhaxeeyay labada maamul ee kataliya gobollada dhexe.

Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in baaqashada socdaalkan la xiriirto shirka maalinta berri ah uga furmaya magaalada Muqdishu madaxda Somalida iyadoo xogta laga heleyo xubno ku dhow RW xusayaan in arbacada gaari doonaan Dhuusomareeb.

Wararka aan ka helayno degmada Dhuusomareeb oo xarun u ah maamulka Ahlusunna, ayaa sheegaya in ammaanka la adkeeyay islamarkaana ay socdaan shirar u dhaxeeyay hogaanka sare, kaasi oo ay uga arrinsayaan booqashada Ra'isal wasaaraha.

Safarkan, ayaa kusoo beegmaya xilli Ahlusnna uu diidanyahay maamulka fadhigiisu yahay degmada Cadaado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM