Somalia: ​Safarkii Ra'isal wasaaraha oo baaqday

Image

MUQDISHU- Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, ayaa maanta ka baaqday safar uu ku tagi lahaa degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud sababo la xiriira arrimo farsamo.

Wararka ku xeeran baaqashada Sharmake, ayaa sheegaya in maamulka Ahlusunna ka biyo diideen xubno kamid ah wafdiga soo raacaya iyagoo sheegay inaysan goob joog ka noqon doonin wadahadalka laga yeelanayo tabashooyinkooda ku aadan dowladda Federalka iyo khilaafka kala dhaxeeya maamulka Galmudug.

Sarkaal katirsan xafiiska Ra'isal wasaaraha ayaa warsidaha GO, u sheegay in safarkaasi la hakiyay maanta, balse ay tagi doonaan maalmaha soo socda, isagoo xusay inuusan jirin dhibaato xooggan, laakiin  labada dhinac kawada xaajoonayaa arrimaha ay ka biyo diideen Ahlusunna Waljameeca.

Wuxuu intaasi ku daray in booqashadooda degmada Dhuusomareeb la xiriirto sidii loo dhammayn lahaa muranka ka taagan gobollada dhexe iyo qaabkii loo sii amba qaadi lahaa hishiis ay golaha xukuumaddu garwadeen ka ahayd kaasi oo u dhaxeeyay labada maamul ee kataliya gobollada dhexe.

Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in baaqashada socdaalkan la xiriirto shirka maalinta berri ah uga furmaya magaalada Muqdishu madaxda Somalida iyadoo xogta laga heleyo xubno ku dhow RW xusayaan in arbacada gaari doonaan Dhuusomareeb.

Wararka aan ka helayno degmada Dhuusomareeb oo xarun u ah maamulka Ahlusunna, ayaa sheegaya in ammaanka la adkeeyay islamarkaana ay socdaan shirar u dhaxeeyay hogaanka sare, kaasi oo ay uga arrinsayaan booqashada Ra'isal wasaaraha.

Safarkan, ayaa kusoo beegmaya xilli Ahlusnna uu diidanyahay maamulka fadhigiisu yahay degmada Cadaado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM