Somalia: Shariif Xasan oo gaarey Xudur

Image

XUDUR: Madaxweynaha Koofur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaarey magaalada Xudur ee xarunt Gobolka Bakool si uu ugu kuurgalo xaaladaha gobolkaas.

Xaaladda amniga ee degmada Xudur ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana soo dhaweyey Madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo wafdi uu hogaamimnayo qaybaha kala duwan ee shacabka gobolkaas.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia iyo mas’uuliyiin kale ay ka qeyb qaadanayaan soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Koonfur-galbeed.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in uu tababbar u soo xiri doono cutubyo ka tirsan ciidamada darawiishta ee maamulka Koonfur galbeed, kuwaasi oo ka qeyb qaadan doono howlgallada ku wajahan Al-Shabaab.

Safarka Shariif Xasan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto cabsho kasoo yeeraysa degaamo ka tirsan maamulkiisa kuwaasoo dhowaan ku dhawaaqey maamulk ka madax banaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM