Shirka madaxda Somalia oo burburey.

Image

MUQDISHU- Kulan galabta isugu yimaadeen madaxda Somalida iyo beesha caalamka ayaa burburey kadib markii la isku khilaafey qaabka loo dhisi doono barlamanka Somalia sanadkaan dabayaqadiisa.

Kulankaan ayaa markii hore waxaa furey madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh isagoo ku timaamey in shirkii magaalada Kismayo ku soo dhamaadey guul iyadoo lagu heshiiyey in aqalka hoose ee Barlamanka lagu soo dhiso 4.5 halka aqalka sare maamulada dalka jka ira si siman u qaybsanayaan balse Puntland iyo Somaliland loogu daro min sadex xubnood xildhibaanada madaama gobolo badan hoos yimaadaan.

Arinkaan ayaa waxaa ka jawaabey madaxweynaha maamulka Galmudug oo sheegey ineysan aqbaleyn in sadex xubnood loogu daro Puntland iyo Somaliland halka madaxweynaha Puntland iyo Jubaland gabi ahaanba ku gacan sayreen soo jeedinta Xasan Shiikh.

Somaliland ayaan ka qayb galin wadahadalkaan iyadoo magaalada Muqdishu ku sugan yihiin dad kasoo jeeda goboladaas kuwasoo kamid ah golayaasha dowlada.

Wadahadalka galabta ayaa dib dambe loogu balamin iyadoo wararka qaar sheegayaan in beesha caalamka siisey madaxada Somalida labo maalmood oo kale iney farqigooda ku soo yareeyaan.

Madaxweynaha Puntland oo maalintii shaley kula kulmey xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa hoosta ka xariiqey ineysan ka tanaasuleen mowqofkooda ku aadan in Barlamanka Somalia lagu soo xulo nidaamka degmooyin.

GAROWEONLINE kala soco wararkii ugu dambeeyey ee kulamada Muqdishu uga socda madaxda Somalida.

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM