​Somalia: Wasiirkii Boosta oo xilka laga qaaday

Image

MUQDISHU- Ra'isal wasaaraha dowladda Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa xilkii ka qaaday wasiirka wasaaradda Boosta iyo isgaarsiinta xukuumadda Guuleed Xuseen Qaasim, waxaana booskaasi lagu badalay Maxamed Jaamac Mursal.

Guuleed ayaa xilkaasi hayay 14 bilood, waxaana arrintan todobaad laga hadal hayay magalada Muqdishu, iyadoo xalay kulan Cumar Cabdirashiid uu la qaatay golaha xukuumadda ku wargaliyay tallaabadaasi.

Lama caddaynta sababta xilka looga qaaday, balse waxaa lagu badalay nin ay isku hayb yihiin kaasoo la sheegay inay aad isugu dhawyihiin madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Somalia ayaa xogaha aan helayno sheegayaa inay Cumar Cabdirashiid ka munaaqashoodiin xilka qaadistan.

Wareegta kasoo baxday Ra'isal wasaare Cumar ayaa sidan u qornayd;

Markii uu arkay qodobka 97 faraqadiis 1aad , 2aad iyo 3 aad ee dastuurka (KMG) jamhuuriyadda federaalka.

Markii uu arkay; xeer madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka oo lambarkeeddu yahay 72, kuna taarikheysan 17/12/2014 kuna saabsaneyd magacaabisteyda ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Markii uu arkay ; baahida loo qabo tayeynta joogtada ah ee golaha wasiirada ayuu go’aansaday in uu sameeyo magacaabis iyo xil ka qaadis.

Wuxuuna xilkaasi u magacaabay Maxamed Jaamac Mursal iyadoo laga qaaday jagadaasi Guuleed Xuseen Qaasim

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM