Somalia: Xaaladda Dhuuso-mareeb oo dagan

Image

DHUUSO MAREEB, Somalia- Xaaladda magalada Dhuuso-mareeb ayaa haatan dagan kadib dagaal xooggan oo ilaa xalay saq dhexe kasocday, waxaana isku dhaca labada dhinac ku dhintey ku in kabadan 10 ruux.

Dagaalka, ayaa u dhaxeeyay maamulka Ahlu Sunna iyo mallayshiyaad la tuhunsanyahay inay taageersanyihiin maamulka Galmudug islamarkaana uu hogaaminayay sarkaal horay uga fallaagoobay dowladda Somalia.

Xiriiro aan la samaynay dhinacyada dagallaamay waxaa adkaatay inaan ka helno xog dhaafsiisan in dagaalku joogsaday, balse Afhayeenka maamulka Ahlu Sunna oo la hadlay warbaahinta gudaha waxaa uu sheegay inay dileen in kabadan 20 katirsan mallayshiyaad uu tilmaamay inay soo weerareen.

Dhinaca kale warar maxalli ah oo dagaalkaasi ka helnay, waxay sheegayaan in dagaalku joogsaday kadib markii ciidamo katirsan Galmudug oo dagaalkaasi qayb ka ahaa ka baxeen isku dhaca islamarkaan dib uga laabteen magalada Dhuuso-mareeb.

Gacan ku haynta magaaladaasi, waxaa sheeganaysa maamulka Ahlu Sunna.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM