Somaliland: Dab xooggan oo qabsaday Suuqa Weyn ee Wajaale

Image

WAJAALE, Soomaaliya - Dab xooggan ayaa caawa ka kacay suuqa weyn ee degmada Wajaale oo ku taalla xuduuda Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo sababay khasaare hantiyeed oo aad u farabadan.

Dabka ayaa sababay burbur soo gaaray boqollaal shirkadood iyo dukaamo, sida ay muujinayeen sawirro ay dad-goobjoogayaal ah ku faafiyeen Baraha Bulshada.

Ciidanka Dab-demiska ee Wajaale ayaa ku guda jira daminta dabkaasi, halka kuwa Hargeysana ay ku sii jeedaan goobtaasi si ay u xoojiyaan dedaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in uu magaaladda ka maqan yahay qalab dab-damis ah oo awood u leh inuu wax ka qabto dabka intan le'eg, iyadoo dadka deegaanka ay isku dayayaan in ay alaabaha ka raraan shirkadaha uu dabku qabsaday.

Suuqyo badan oo Soomaali ah ayaa gubtay sanadihii lasoo dhaafay, waxaana kamid ah suuqyada Waahin, Jigjiga, Gaarisa iyo Suuqa Bakaaro ee caasimadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM