Somaliland oo ka hadashay dilkii hoggaamiyaha Al-Shabab

Image

[GO, Sabti, Sep 6, 2014] Mamulka Somaliland ayaa shaaciyay inay soo dhawaynayaan dilka hoggaamiyihii hore ee kooxda Al-Shabab Cabdi Godane oo duqayn cirka kaga timi ku geeriyooday.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo warbaahinta kula hadlayay Hargaysa ayaa sheegay inay xaq tahay in hoggaamiyahaasi laga taqaluso maadama uu ku sheegay nin daalin ah.

Axmed Cabdi Godane oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ayay diyaaradaha  Drones-ka  ee Maraykanku leeyahay ay ku dishay Magaalada Baraawe ee koonfurta Somalia.

Dhowr jeer oo hore ayaa lagu eedeeyay Somaliland inay soo dhawaysay Hoggaamiye Godane oo la aaminsan yahay marwadiisa inay ku nooshahay magalada Hargaysa, Puntland ayaa ka mid ah dowladaha ku eedeeyay Mamulka Hargaysa inay marti galiso Xaqjirkaasi.

Godane ayaa mamulka Ururka Al-Shabab qabtay 2008 ka dib markii la dilay Aadan Xaashi Cayrow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

STC oo Ballaarisay Gacanta ay ku Hayso Koonfurta Yemen

Toddobaadkii la soo dhaafay, STC waxay billowday hawlgal milatari ay ugu….

  • Soomaliya

    12-12-2025

  • 09:07AM

Soomaaliya oo la sheegay in la dhex-marsiiyo hub loo gudbiyo Xuutiyiinta Yemen

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib shir heer sare ah oo Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

  • Soomaliya

    11-12-2025

  • 01:50PM