Somaliland oo ka jawaabtey hadalkii beesha caalamka

Image

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay beeshacCaalamka kaasoo maamulka Madaxweyne Silaanyo ugu baaqay inay degdeg ciidamadooda ugala baxaan deegaanka Saax-dheer oo ka tirsan gobolka Sool.

Cukuse ayaa sheegay in Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka Tusi doonaan khariirada Somaliland hadii aanay garanayn halka ay ku taalo Saax-dheer.

Sidoo kale Wasiir Cukuse ayaa sheegay in hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta Somalia inuu burburiyey heshiiskii iyo wadahadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Somalia.

Wasiir Cukuse oo jawaab ka bixinaya hadalka Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa waxa uu yiri “Anaga Dhuxulow iyo Xasan-ka soo diray iyo inamada xeryaha ciidamada AMISOM  ku xaraysani nooma hanjabi karaan, anaga nama odhan karaan dalkayaga qayb ka mid ah ayaanu talo ka bixinaynaa, iyagoo xaafadaha Muqdisho aan talo ka bixin karin, nama odhan karaan iyaga oo gurigooda ay difaacan kari waayeen  ka baxa Saaxdheer.

Hadalka Cukuse ayaa ku soo aadaya maalin kadib markii beesha caalamka iyo dowlada Federaalka u jeediyeen maamulka Somaliland in ciidamadooda kala baxaan tuulada Saax-dheex halkaas oo dhowaan lagu wadey iney xaflad caleemo saar ka dhacdo. 

Dowlada Puntland ayaan gabi ahaanba hadal aksoo saarin tuulada Saaxdheer iyo dagaaladii ka dhacey halka dhinaca kale dowlada Federaalka faragalin buuxda ku sameysay arrimaha gudaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Bogaadiyay Taageerada Turkiga ee Soomaaliya [Sawirro]

Wixii markaas ka dambeeyay, Turkigu ballaariyay gurmadkiisa bani’aadannimo iyo mashaariicda horumarineed ee uu ka fulinayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-09-2026

  • 02:19PM

Wareysi Washington ka dhacay oo dhaliyey dhaliilo loo jeediyey Madaxweyne Cirro

Cirro ayaa 14-kii Sebtembar ka hadlay Hudson Institute, oo ah xarun cilmi-baaris…

  • Soomaliya

    17-09-2026

  • 03:28AM